Wararka laga helayo Gobolka Sh/Dhexe ayaa sheegaya in koox dabley ah ay rasaas ku fureen Gaari dadweyne oo mareeyay duleedka degmada Balcad, iyadoo qasaare kala duwan uu ka dhashay weerarkaasi.
Ugu yaraan laba qof ayaa maanta lagu dilay, mid kalana waa lagu dhaawacay weerarka lagu qaaday Gaariga oo ahaa nooca rakaabka ee dadweynaha qaada, xilli uu marayey degaanka Masalley ee degmada Balcad ee gobalka Shabellaha Dhexe, Wuxuuna Gaariga ka tegay Muqdisho, isagoo ku sii jeedy Jowhar. Dadka algu dilay ayaa kala ah darawalkii Gaariga iyo qof rakaabka ka mida haween ahayd.
Dadka degaanka ayaa sheegay in koox Burcad ah ay weerarka geysteen, wuxuuna weerarka ka dhacay meel u dhow goob 17-kii bishan sidoo kale lagu weerarray Gaari kale oo BL ah, kaasoo lagu dilay afar qof oo laba ka mid ah ay dumar ahaayeen.