Wararka laga helayo magaalada Gabahaarey ee gobalka Gedo ayaa sheegaya in dad shacab iyo ciidan isugu jira oo bannaanbax rabashado wata ka dhigayey magaaladaasi ay weerareen wasiiro ka tirsan maamulka Jubbaland oio halkaasi tegey.
Dad cadheysan ayaa beegsaday wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee maamulka Jubbaland Aadan Aw Xirsi, oo isaga iyo xubno la socda ay magaalada kormeer ku joogaan, waxaana la sheegayaa in dadkaasi ay wasiirka gaarsiiyeen dhaawac fudud oo daqar ah.
Dadka bannaanbaxa waday ayaa la sheegay inay weerarreen oo dhagxaan la dhaceen Wasiirka Qorsheynta Jubbaland oo wararku sheegayaan in dhaawac fudud uu gaaray kadib markii ay shacab ka soo horjeeda Madaxweynaha Jubbaland ay weerareen guri uu ka degana magaalada Garbahaarey .
Dadka Garbahaarey ayaa ka careysan inuu magaaladooda yimaado wafdi la sheegay inuu hoggaaminayo madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo wasiirada tegay Gabbahareey ay hordhac u yihiin.
Inta badan dadka Gobolka Gedo ayaa ka horjeeda maamulka Axmed Madoobe, waxaana jira xurguf dhex taalla labada dhinac iyadoo dowladda Federaalka ay qeyb ka tahay arrintan.
Dhinaca magaalada Kismaayo ayaa 2 qof ku dhaawacmeen iska-horimaad ka dhacay xerada nabad sugida ee Fiyaat, halkaasi oo rag hubeysan oo ka tirsan ciidanka Jubbaland ay weerareen xeradaasi si ay u soo furtaan dad halkaasi ku xirnaa. Maamulka ayaan ka hadlin rabshadahan ka dhacay xerada Nabad-sugida.