Thursday, April 18, 2024

Dad Shacab ah oo Sh/Hoose ku dilay Horjooge ka tirsan Alshabab & Meydkiisa oo Fagaare la dhigay

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helay horjooge sare oo ka tirsanaa Al-shabaab oo si la yaab leh loogu dilay degaanka Yaaqbariweyne ee Gobalka Shabeelaha Hoose, kadib markii ay dadka degaanka gacanta ula tageen.

Horjoogahaan oo magaciisa lagu soo koobay Gar-gaduud ayaa Alshabaab u qaabilsanaa Degmada Wanlaweyn iyo degaanada la xiriira ee Gobalka Sh/Hoose, waxaana sarkaalkan dilay dadka degaanka Yaaqbari-weyne oo ay ka taagneyd xiisad u dhaxeysa Al-shabaab iyo dadka Degaanka.

Meydka Horjooge Gar-gaduud ayaa loo qaaday degmada Wanlaweyn, waxaana la dhigay meel fagaare ah oo dad badan ay daawadeen meydkiisa, markii danbena la aasay; wuxuuna ahaa nin caan ka ah degaankaasi oo qaabilsan Zakada iyo maamulka.

Ad

Dadka degaanada Shabeellaha Hoose ayaa bilaabaya kacdoon ka dhan ah Alshabaab, waana markii ugu horeysay ee mas’uul ka tirsan Alshabaab lagu dilo degaan ay ka taliso Alshabaab.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON