Wararkii ugu danbeeyay ee dagaalka Alshabaab ku qaadeen degaan u dhow Bacaadweyne, Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegay in Alshabaab ay ka baxeen degaankaasi.
Dagaal qaraar oo saacado badan la socday ayaa saaka aroortii ka qarxay degaanka Shabeelow oo 25 KM u jira degaanka Bacaadweyne, Koonfurta Gobolka Mudug ee Galmudug, waxaan halkaasi ka dhashay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira.
Wararka ayaa sheegaya in 9 qof oo uu ku jiro Macalin dugsi Qur’aan lagu dilay dagaalka oo markii hore ay Alshabaab iska caabiyeen dadka degaanka, kadibna waxaa gurmad ahaan u tegay ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug.
Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad ayaa qoraal uu soo saaray uga hadlay dagaalka Bacaadweyn isagoo yiri: “Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadka lagu xasuuqay deegaanka Shabeelow Gobolka Mudug. Xasuuqa ay Shabaab ka geysteen deegaankaas waxaa lagu laayay shacab ugu yaraan 9 qof ah laguna dhaawac 5 qof oo guryahooda jooga. DFS iyo maamulka Galmudug jawaab degdeg waa inay ka bixiyaan falkaas”.
Maleeshiyadii Al-shabaab ayaa goor dhoweyd dib uga baxay degaanka Shabeellow, markii dagaal culus ku qaadeen ciidamada Guutada 21-aad.
Dhowaan ayey ahayd markii Alshabaab Qarax gaari la beegadeen saldhigga ciidamada dowlada ku leeyihiin degaanka Bacaadweyn.