Sunday, June 22, 2025

Dadka Iran oo doortay Madaxweyne cusub iyo Isbedelka la filayo inuu dhaco

Dadweynaha dalka Iran ayaa Madaxweyne cusub u doortay Mascud Pezeshkian oo ahaa siyaasi qunyar socod ah, isagoo ku guuleystay doorashadii wareegga labaad.

Natiijada doorashada oo goor dhoweyd lagu dhawaaqay inuu doorashada ku guuleystay Mascud Pezeshkian, dhinaca kale musharixii Saciid Jaliili oo kasoo jeeday dhinaca mayalka adag ayaa aqbalay in laga guuleystay.

Madaxweynaha la doortay ayaa ballanqaaday inuu dhammaan u adeegi doono dadka Iran, una fidin doono gacan saaxiibtinimo; wuxuuna caddeeyay inuu horyaalo dariiq adag oo dib u habeyn lagu sameyo dalkaasi.

Ad

Mascuud Pezeshkian ayaa helay codad dhan 53.7% oo. dhigma in ka badan 16.3 milyan cod, markii ay codkooda dhiibteen in ka dad ka badan 30 milyan, Musharixii ka horjeeday ee Saciid Jaliili ayaa isna helay 44.3% ama 13.5 miyan cod.

Waxaa la filayaa in Madaxweynaha cusub ee Iran isbedel ku sameeyo siyaasadda Arrimaha Dibadda Iran, isagoo kasoo jeeda kooxaha Islaaxiyiinta dalkaasi oo siyaasad ahaan debecsan, dadaalna ugu jira inay iskaashi la yeeshaan dalalka reer Galbeedka.

Doorashada Madaxweynaha Iran ayaa timid, kadib markii uu shil diyaaradeed ku dhintay madaxweynihii hore ee dalkaasi Ibrahim Ra’isi.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON