Sunday, July 13, 2025

Dadka laga helay Cudurka Coronavirus 24-kii saac ee ugu danbeeyay oo la shaaciyey

Wasaarada Caafimaadka xukuumadda Soomaaliya ayaa shaacisay dadka cudurka COVID-19 laga helay 24-kii saac ee ugu dambeeyay oo gaaray 34 qof.

Wasiiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa sheegtay in sidoo kale uu hal qof uu u geeriyooday cudurka, waxaana kasoo bogsaday 11 qof, iyadoo tirada guud ee dadka bogsaday gaartay 163 qof.

Kiisaska ugu badan ayaa maanta laga diiwaan geliyay waxaa laga hala helay:

Somaliland: 18 qof

Gobolka Banaadir: 14 qof

Hirshabeelle: 2 qof .

Tirada guud ee dadka qaba cudurka Coronavirus gudaha Soomaaliya ayaa gaartay 1,455 qof, halka dhimashada guud ee uu sababay xanuunka Corona ay tahay 57 qof.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON