Amar ka soo baxay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa lagu sheegay in dadka magaalada Muqdisho
ku nool lagu amray inay qaataan Kaar Aqoonsi ah oo aanu magaalada joogi karin qof aan heysan kaarkaasi.
Guddoomiyaha Gobolka banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale, Taliyeyaasha cididamada Sirdoonka ee NISA iyo Booliska oo uu wehloi taliyaha ciidamada Asluubta oo maanta Shir jaraa’id wada qabtay markii ugu horeysay ayaa shaaciyay inaan magaalada agu arki karin qof aan wadan kaarka aqoonsiga dowladda Soomaaliya.
Taliyeyaasha iyo sidoo kale gudoomiyaha gobolka Banaadir waxa ay sheegeen in dadka Muqdisho kunool dhan looga baahan yahay inay qaadaan kaarka aqoonsiga.
Hore waxaa u soo baxay amarro noocan oo kale ah, iyadoo degmooyinka qaarkood ay dadka ku nool ka qaateen lacag qofkiiba gaareysa 12$ oo ay u sameeyeen waraaqo lagu sheegay diiwaangelin, waxaa kaloo hore dadka Muqdisho qaarkood loogu sameeyay aqoonsi la socday canshurtii guryaha oo isna qiimihiisu ahaa 12$.
Sameynta Kaararka ayaa Muqdisho ka noqday mashaariic qandaraas lagu siiyo shirkado gaara oo lacago badan dadka looga qaato, waxaana laga qabaa in arrintani tahay mashruuc kale oo lacag lagu sameynayo xilligan kala guurka ah.
Goobjoogec.com