Friday, June 27, 2025

Dadka Muqdisho oo intooda ugu badan Ciidul Adxaa Sanadkan ku qaatay Xaafada Daarusalaam (SAWIRRO)

Kumanaan Boqolaal ruux oo dadka reer Muqdisho ah ayaa shalay iyo maanta buux dhaafiyay xaafada Daarusalaam ee magaalada Muqdisho, oo ah goobta ugu haboon ee loo dalxiiso xilliyada munaasabadaha.

Dadka oo 17-ka degmo ee gobalka Banaadir ka yimid ayaa u badnaa caruur iyo haween, halka ragu ay sidoo kale qeyb ka ahaayeen fantasyaha iyo damaashaadka xaafada Daarusalaam. Boqolaal ruux ayaa sidoo kale ku tukaday salaadii ciida.

Goobtan oo ah mid amaan ah, waxaa xiliyada ciidaha ka muuqda isbadal ballaaran, waxaana lagu soo kordhiyaa adeegyo qaas ah oo loogu tallo galay dadka usoo damaashaad taga Daarusalaam.

Bulshadii tagtay shalay iyo maanta ayaa uga mahad celiyay maamulka Daarusalaam sida ay isugu xilqaameen in dadka reer Muqdisho ay helaan goob qurux badan, nadiif ah, oo amaankeeduna sugan yahay oo ay ku damaashaadan.

Maamulka Xaafada Daarusalaam oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in adeegyo aan horey u jirin ay soo kordhiyeen ciidan, si ay u qanciyaan kumanaanka ruux ee usoo dalxiis taga xaafada.

Daarusalam waa goobta ugu ballaaran oo lagu dalxiiso oo ku taalla Muqdisho, waxaana dhisay ganacsato Soomaaliyeed oo reer Muqdisho ah.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON