Wednesday, June 25, 2025

Dadka Muqdisho oo ku dabaaldegay Garoonka weyn ee Muqdisho oo dib loogu fasaxay [Sawirro]

Ciidammada Amisom ayaa alaabadoodii u dambeeyay maanta ka qaatay, kana guuray garoonka ciyaaraha ee ugu wayn magaalada Muqdisho oo saldhig u ahaa 7-dii sano ee la soo dhaafay.

Waxaa shacabka magaalada Muqdisho loo fasaxay in ay gudaha u galaan garoonka ciyaaraha ee Stadium Muqdisho iyo xaafadda ciyaaraha Muqdisho. Garoonka ayaa waxaa saakay amnigiisa la wareegay ciidamada booliiska Soomaaliyeed, kadib markii ay ugu dambeyn ka guureen ciidamada nabad illaalinta Afrika ee AMISOM.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maalin ka hor si rasmi ah AMISOM ugala wareegay garoonka, iyada oo saakay la arkayay gaadiidka xamuulka ciidanka oo raraya agabkii askarta AMISOM.

Kooxaha muusikada ee booliiska ayaa tumayay baambayda, iyada oo shacab tiro badan ay isku soo uruuriyeen garoonka oo ay dhir badan iyo caws ka baxeen, waxayna shacabka markiiba bilaabeen hawl iskaa wax u qabso ah oo ay ku nadiifinayaan garoonka.

Wasiirka dhalinyarada Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa warbaahinta dowladda u sheegtay “Dowlada waxay diyaar u tahay dayactirkiisa, bilicdiisa iyo dhismahiisa, goordhow waa la howl bilaabayaa, kuligeen waan bishaareysaneynaa, Ciidanka Booliska Jamhuuriyada ayaa la wareegaya si loo sugo amnigiisa iyo Nadaafadiisa”.

Garoonka oo dad badan ku tilmaamaan in uu yahay ‘jowharta astaanta u ah nabadda” ayaa waxaa la dhisay sanadkii 1878-dii, waxaana dhisay injineero shiinees ah, iyada oo maalgalinta ay lahayd dowladda Shiinaha oo markaas bah wadaag la ahayd dowladdii hanti wadaagga ee Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

Garoonka waxa uu ka tirsan yahay waxa loo yaqaano xaafadda ciyaaraha oo ka kooban garoomo dhawr ah oo is dhinac yaala, kuwaas oo loogu talogalay in lagu qabto ciyaaraha kala duwan.

Waxaa ka dhisan garoonka dabaasha, kan kubbadda kolayga, kan miiska, iyo xitaa qeybo loogu talogalay ujeedooyin kale.

Garoonka kubbadda cagta waxa uu markiiba qaadi kara wax ka badan 40 kun oo qof markiiba. Waxa uu lahaa dhammaan tas-hiilaadkii garoon loogu talogalay sida leerarka waaweyn ee suurtogalin kara in habeenkii lagu ciyaaro, qeybta gaar ah ee ay madaxda fariistaan, qolalkii labista ee ciyaartooyda, albaabadii waaweynaa ee ay dadka kasoo galayeen, xafiisyadii shatiyada ciyaaraha laga jaranayay.

Garoonka ayaa hadda burbur weyn ku sugan, xitaa birtii goolka ayaa bolashay. Waxaanan sidoo kale oolin tusihii weynaa ee tirsiga ciyaaraha lagu soo bandhigi jiray.

Hadda hawsha ugu horeysa waa in laga jaraa geedaha iyo cawska ka baxay, balse waxaa hubanti ah in garoonka u baahanyahay dayactir balaaran, iyada oo xitaa lagama maarmaan ay noqon doonto in ay injineero hubiyaan in dhismaha meelaha qaar garoonka uu ku habboonyahay in bini’aadam ay isticmaalaan iyo in kale.

SAWIRRO

Image may contain: 10 people, including Salah Dheere, people smiling

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON