Sunday, July 13, 2025

Dadka Muqdisho oo maalintii labaad ku jira Bandow Gaadiid la’aan ah [SAWIRRO]

Magaalada Muqdisho ayaa maalintii labaad ku jirta bandow nooc cusub ah, iyadoo gebi ahaan la joojiyay isu socodkii Gaadiidka.

Arrintan ayaa ka dambeysay shir madaxeedka IGAD ee lagu wado inuu Talaadada ka furmo magaalada Muqdisho, waxaana gebi ahaanba dadka lagu qasbay inay lugeeyaan.

Waxaa la arkayay madax ka tirsan maamulka Gobolka Banaadir oo loo diiday inay gaodiidkooda maraan wadooyinka iyo Ciidamada ka tirsan AMISOM oo lagu hortaagan yahay wadooyinka, waxayna ahayd xaalad ka duwan qaabkii hore ee loo xiri jiray wadooyinka.

Dadweynaha oo dhan ayaa cagtooda maalaya iyadoo wadooyinku noqdeen kuwo haawanaya oo aan wax gaadiid ah loo ogoleyn.

Ardayda Dugsiyada, Shaqaalaha dowlada,  Ganacsatada iyo shaqaalaha kale ee goobaha shaqada ay ka fog tahay ayaa dhibaato weyn ka sheeganaya, waxayna ka cabteen inaysan lug ku gaari karin goobahooda waxbarasho iyo shaqo.

Waxaa kaloo Ganacsatada ay sheegeen in arrintan ay ku soo beegantay xiligii loo diyaar garoobayay Ciidul adxaa oo ganacsigooda ay saameyn ku yeelan doonto.

Jidka

somalia-igad1

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON