Iyadoo uu xowli ku socdo faafitaanka cudurka COVID-19 ayaa Mareykanka uu kaalinta hor uga jiraa dalalka uu sida weyn ugu saameeyay, waxaana tirada dadka Mareykanka ee cudurkan soo ritay ay sare u dhaafeen 150,000 qof.
Kiisaska cudurka Coronavirus ee dalka Mareykanka ayaa gaaray 155,252 sida ay shaaciyeen warbaahinta Mareykanka iyo xuramaha tirakoobka cudurka, waxaana COVID-19 uu dalkaasi ku dilay 2,828 qof, iyadoo ay sii kordhayaan daqiiqad kasta.
Madaxda Cudurrada faafa ee Mareykanka iyo madaxweyne Donald Trump ayaa dadka Mareykanka u sheegay inaan weli la gaarin xaaladda ugu darran ee cudurka, waxayna saadaaliyeen inuu cudurka Mareykanka ku dili karo dad gaaraya 200,000 qof, kuna dhici karo 2 Milyan oo qof.
Talyaaniga oo ah dalka ugu dhimashada badan ee Coronavirus ayaa 24-kii saac ee lasoo dhaafay laga diiwaangeliyey inay u dhinteen 812 qof, wuxuuna cudurka soo ritay xilligaas 4050 qof, iyadoo dadka cudurka ugu dhintay Italy ay gaareen 11,591 qof.
Spain oo ah dalka saddexaad ee uu sida ba’an ugu faafay Coronavirus waxaa 24-kii saac ee ugu danbeeyay u dhintay cudurka 800 qof, waxaana tirada geerida dalkaasi ay gaartay 7340 qof.
HOOS KALA SOCO TIRADA DAL KASTA & XOGTII UGU DANBEYSAY EE CUDURKA COVID-19
[cov2019]
[cov2019all]
[cov2019map]