Dadka uu soo ritay Cudurka Covid-19 ee dunida ayaa gaaray 5 Milyan oo ruux, iyadoo shalay ay ahayd maalintii la diiwaangeliyey tiradii ugu badneyd ee cudurku haleelay intii uu soo bilwoday.
Hay’adda Caafimaadka adduunka ee WHO ayaa sheegtay in shalay oo qura uu cudurku soo ritay dad gaaraya 106,00 qof; iyadoo ay sidoo kale u dhinteen 328,000 ruux, waxaase ka bogsooday 1.9 Milyan oo qof.
Dalka Brazil ayaa maraya xaaladii ugu adkeyd , wuxuuna noqday dalka saddexaad ee ugu kiisas badan dunida oo dhan. Shalay waxaa dalka Brazil cudurka Coronavirus ugu dhintay 888 qof, iyadoo laga helay 20,000 qof, hadda tirada guud ee dadka dalkaasi ku dhintay waxay gaartay 19,000 qof, iyadoo dadka uu soo ritay ay marayaan 291,579.
Ruushka oo ah dalka labaad ee ugu darran oo uu cudurka Covid-19 halakeeyay wuxuu ku jiraa kaalinta labaad, wuxuu shalay soo weriyey kiisas cusub oo dhan 8,849, halka dadka dhintay ay sare u dhaafeen 3000 qof, waxaana guud ahaan dadka cudurka qaba ay gaareen 317,554.
Mareykanka ayaa hoggaaminaya kiisaska ugu badan ee dadka uu soo rito covid-19 iyo dadka u dhintay, waxaana tiro ahaan kaalinta labaad galay Ruushka, iyadoo Brazil oo xilli danbe xowli ku socotay ay kaalinta saddexaad ku jirto, lana filayo inay kaalinta labaad u gudubto.
Guud ahaan cudurka Coronavirus wuxuu dunida ku dilay dad ka badan 328,000 qof, wuxuuna gaaray 5 Milyan oo qof muddo shan bilood ah kadib markii ugu horeysay ee uu ka dilaacay magaalada Wuhan ee dalka China.