Wasaaradda Caafimaadka Xukumaadda Soomaaliya ayaa shaacisay kiisas cusub ku soo kordhay dadka uu soo ritay cudurka Coronavirus iyo qaar u dhintay.
Wasiirka Caafimaadka ayaa sheegtay in 41 qof oo cusub laga helay cudurka Covid-19; iyadoo ay 2 qof oo cusub u geeriyooden cudurka; halka ay bogsoodeen labo kale.
Wasiiradda ayaa sidoo kale sheegtay in tirada guud ee cudurka laga helay Soomaaliya ay gaartay 328 qof. Halka dadka u geeriyooday ay gaareen Waa 16; inta ka bogsootayna ay tahay 8.