Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa shaacisay dad cusub oo 24-kii saac ee ugu danbeeyay laga helay Cudurka Coronavirus.
Warbixinta maanta oo ah 21 May 2020 ayaa alagu sheegay in cudurka laga helay: 21 qof, oo 19 ka mida ay joogaan magaalada Muqdisho, halka 2-da kale ay ku sugan yihiin Puntland.
Wasiirka Caafimaadka Fowsiya Abiikar ayaa shaacisay in 16 qof oo hor leh ay ka bogsadeen Coronavirus, iyadoo aan maanta lasoo werin wax dhimasho ah.
Tirada guud ee dadka uu soo ritay cudurka Covid-19 ee gudaha Soomaaliya ayaa hadda gaartay 1,594, waxaana geerida ay taagan tahay 61 qof. halka Dadka guud ahaan ka bogsooday ay yihiin 204.
