Dowladda Soomaaliya ayaa goor dhoweyd soo saartay natiijadii kasoo baxaday baaritaankii Maanta lagu sameeyay dadka looga shakiyey Cudurka Covid-19.
Kiisaskii maanta la baaray ayaa la shaaciyey in laga helay cudurka Coronavirus dad gaaraya 73 qof oo 51 ka mida ay rag yihiin, halka 22 kale ay haween yihiin, waxaana cudurka u dhintay qof kale, iyadoo uu ka bogsaday cudurka 1 qof.
Tirada guud ee dadka qaba cudurka Covid-19 gudaha Soomaaliya ayaa hadda gaartay 237, iyadoo ay si weyn u sii kordhayaan dadka uu soo ridanayo cudurka oo u badan dadka ku nool caasimadda Muqdisho.
