Tuesday, June 24, 2025

Dadweynaha Magaalada Marka oo banaanbax careysan kala hor tegay Shariif Xasan

Dadweynaha magaalada Marka ee gobolka Sh/Hoose ayaa banaanbax diidmo ah kala hor yimid madaxweynaha K/Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan iaygoo ku eedeeyay inuu khiyaameeyay.

SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN
SHARIIF XASAN SHEEKH AADAN

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo shalay nooqday magaalada Marka ayaa kala kulmay dadka magaalada waxyaabo aanu fileyn, iyagoo is hor taagay oo si cad ugu sheegay inuusan magaalada galeynin, waxayna si cad ugu sheegeen inaan magaaladooda laga soo dhoweyneynin.

Dadweyne  ay hogaamijayaan odayaal careysan ayaa Shariif u sheegay inuu isaga tago magaaladooda, waxayna ku eedeeyeen inuu hore u khiyaameeyay isla markaana uu magaaladooda keenay dad hore falal dil iyo xasuuq ah ka geystay.

Dadweynaha magaalada Marka ayaa diiday inay la hadlaan madaxweyne Shariif Xasan waxayna ku celceliyeen inuu faraha ka qaado degaanadooda oo ku ekaado gobolka Bay, iyagoo ay caro weyn ka muuqato, waxaana la maqlayay qeylo iyo muran dhex maraya Shariif Xasan iyo odayaasha Marka .

Shariif Xasan wuxuu sheegay waxgaradka magaalada Marka inuu dhameystiri doonaan maamulka magaalada Marka, sidoo kalena magaaladaasi la geyn doono ciidamo amniga xaqiijiya. wuxuu kaloo sheegay inuu ka xun yahay dhibaatada shacabka kasoo gaartay falal ay AMISOM ka geysteen magaalada Marka, waxaana uu tilmaamay in hadda wixii dhacay laga wada hadlayo.

Wafdiga Shariif Xasan Waxaa ka mida ahaa wasiirka haweenka dowladda Federaalka Sahra Cali Samatar, xildhibaano ka tisan guddiga difaaca ee Baarlamaanka oo uu horkacayay Xuseen Carab Ciise iy xubno kale.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON