Saturday, April 20, 2024

WAR CUSUB: Mooshin cusub oo qoraalkiisa laga bilaabay magaalada Muqdisho

Sida ay sheegeyso xog cusub oo Goobjooge.com ay heshay waxaa magaalada Muqdisho ka bilowday qorista mooshin cusub oo lid ku ah Mooshinka madaxweynaha, waxaana mooshinka cusub soo abaabulay xildhibaanada iyo wasiirada taageersan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Saxiixa Mooshin cusub oo socda
Saxiixa Mooshin cusub oo socda

Olole balaaran oo rogaal celin ah oo ay wadaan taageerayaasha madaxweynaha ayaa si weyn looga dareemayaa labada gole ee Baarlamaanka iyo xukuumadda, waxaana mooshinka cusub la sheegay inuu la magac baxan “TOOSIN  & TALO SOO JEEDIN”, wuxuuna ka hadlayaa sharci darrada mooshinka xil ka qaadista ee laga keenay madaxweynaha.

Xildhibaano ku dhow 100 ayaa shirar uga socdaan Muqdisho waxaana lagu wadaa in muddo 24 saacadood ah lagu soo dhameystiro mooshinkan kadibna loogu gudbiyo guddoonka Baarlamaanka inta uusan dalka ku soo laaban madaxweyne Xasan Sheekh oo hadda ku maqan dalka Imaaraadka Carabta.

Ad

Baarlamaanka oo ku kala qeybsan mooshinka madaxweynaha ayaa hadda u muuqda inuu sida caadada u ahayd laba qeybood u kala jabay, halkaasi ka bilaaban doonto herdankii siyaasadeed ee hoteelada Muqdisho.

Goobjooge.com

[ad name=”HTML-1″]

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON