Sunday, July 6, 2025

Dadweyne billaabay inay lacagahooda kala baxaan Shirkadaha Forex-ka ee MagaaladaMuqdisho

Dadkii lacagaha dhigtay shirkadaha Forex ee magaalada Muqdisho ayaa qaarkood bilaabay inay lacagahooda ka qaataan shirkadaasi, kadib dhacdooyin dhowr ah oo keenay inay cabsi xooggan soo wajahdo.

Xarumaha shirkadahan ay ku leeyihiin magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu danbeeyay buux dhaafiyay boqolaal dadweyne ah oo doonaya inay helaan lacagihii ay u dhiibteen shirkadahaasi, ayaga oo ka cabsi qaba in lagala goosto.

Go’aankii uu soo saaray Bankiga Dhexe ee dalka oo amray Bankiyada gaarka loo leeyahay inay xiraan akoonada shirkadaha Forex, ayaa la rumeysan yahay inuu sababay kalsooni darrada ku timid shacabka lacagaha dhigtay shirkadaha FOREX-ka ee dalka ku cusub.

Guddoomiyaha Bankiga Dhexe Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi oo arrintan ka hadlay ayaa sheegay inay soo gaartay cabashooyin ka dhan ah shirkadahan oo ay soo gudbiyeen shacabka.

Qaar ka mida dhalinyarada lacagta dhigtay shirkadaha Forex-ka, ayaa sheegay inuu si deg deg ah u dalbadeen lacagtooda inay la baxaan, maadaama uu sheegay inuu ka cabsooday in lagala goosto hantidooda.

Sharciga Shirkada Forex ee Muqdisho ka shaqeeya ayaa qaba qofka marka uu doono inuu la baxo lacagtiisa wuxuu sugayaa 10 cisho oo ka bilaabanaysa maalinta uu qoro warqada lacag la bixista.

Maalmihii dhowaa ayaa waxaa usoo xoogeystay dadka ka cabanaya in loo been sheegay, iyadoo lacago badan looga qaatay inay helayaan faa’iido xad dhaaf ah, balse markii dambe aysan dhicin, sida uu sheegay guddoomiyaha Bankiga Dhexe.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay inaysan jirin wax ogolaansho ah oo Bankiga uu u siiyey shirkadahan inay ka ganacsadaan sarrifka lacagaha, taasi oo ah shaqada Bankiga Dhexe inuu la socdo.

Ganacsiga Forex ayaa horey loo sheegay inuusan banaaneyn diin ahaa, sida ay fatwoodeen qaar ka mida culimada Soomaaliyeed. Culimadan oo kulan ku qabatay masjidka Abuu Hurayra ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyay xukunka dhinaca diinta ee dadka islaamka ah kaga aadan shirkaddahan ay sheegeen iney ku shaqeystan sarifka Online-ka ee Forex, waxaana ay tilmaameen inuu yahay ganacsi ku dahaaran ‘been abuur iyo ribo’ iyagoo usoo qaatay Axaadiith iyo Aayado kamid ah Quraanka Kariimka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON