Dadweynaha degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho ayaa saaka isugu soo baxay bannaanbax ay uga horjeedaan falal ammaan darro iyo waxqbad la’aanta maamulka degmadaasi.
Dadweynaha ayaa ka cabanaya falal dilal ah oo ciidamo ku dileen dad rayid ah, taasoo ay ugu danbeysay nin ganacsade ah oo ciidamada dowladda ay shalay ug dileen suuqa 5000 Shilin Soomaali, waxaana si weyn u xumaaday ammaanka degmada iyo suuqa Kaaraan.
Suuqa ayaa Kaaraan ayaa la sheegay inuu xiran yahay iyadoo ganacsigii uu istaagay, waxayna dadweynaha careysan ka cabanayaan maleeshiyo amaandarro ka wada degmada iyadoo maamulka degmadaasi uu noqday mid aan waxba ka qaban xaaladda amniga.
Dadweynaha ayaa isugu soo baxay xarunta Degmada horteeda, saldhigga iyo waddada dheer ee isku xirto Isgoyska Kaaraan ilaa suuqa Kaaraan.