Tuesday, June 24, 2025

Dadweyne careysan oo galay safaaradda Mareykanka ee Baqdaad & Diblomaasiyiintii oo degdeg looga saaray [Trump oo ka hadlay]

Bannaabaxayaashii careysnaa ayaa galay gudaha magaalada Safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad,kadib markii ay ku qamaameen, ayna ku guuleysteen isku day badan kadib.

Kumanaan dad ah oo ka careysan ayaa galay safaaradda, waxayna dab qabadsiiyeen derbiyada safaaradda, iyadoo safiirka Mareykanka iyo howlwadeennada safaaradda laga badbaadiyey oo laga saaray xarunta safaaradda.

Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq ayaa ugu baaqay dadweynaha bannaanbaxaya inay ka baxaan safaaradda iyo aggaaarkeeda, wuxuuna caddeeyay in amniga diblomaasiyiinta dalkaasi jooga la ilaalin doono.

Dadweynaha bannaanbaxa ka wada safaaradda ayaa si weyn uga ka hor yimid duqeynta Mareykanka ku qaaday Kooxda Xisbullaahi ee Ciraaq oo lagu dilay 25 saraakiil iyo ciidamo isugu jira, waxaana arrintaasi ay kicisay dareen xoog leh oo dadka shiicada ah ay dalbanayaan in ciidamada Mareykanka laga saaro.

Wasiirada difaaca Ciraaq iyo arrimaha gudaha dalkaasi ayaa tegay xarunta safaaradda Mareykanka si ay xaaladda u qaboojiyaan, waxaana halkaasi ku qulqulay dadweyne kumanaan ruux ah, waxayna gubeen calankii Mareykanka, iyagoo gudaha u galay safaaradda.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku eedeeyay dalka Iiraan inuu ka danbeeyay dilka ganacsade Mareykan ah iyo in la galo gudaha Safaaradda Mareykanka ee magaalada Baqdaad, wuxuuna ku hanjabay in lagula xisaabtami doono.

Several thousand protesters have broken down the gate of the US embassy in Baghdad, storming the compound as gunshots and sirens ring out, after US air strikes on Hezbollah that killed 25 (pictured: setting fire to the walls and hurling rocks over the barricades)
US soldiers fire tear gas onto protesters who broke into the compound as black smoke from fires set by the rioters billows into the air
A security guards hut window has been badly damaged by the rioters as smoke spews from fires set around the compound today, with protesters waving flags of the militias part of the Popular Mobilization Forces (PMF). Many are supported by Iran.
Iraqi protesters set ablaze a sentry box in front of the US embassy building in the capital Baghdad to protest against the weekend's air strikes by US planes on several bases belonging to the Hezbollah brigades near Al-Qaim
Men wearing militia uniforms cover their faces while setting fire to the barricades as tear gas is fired over the ramparts on Tuesday
Black smoke billows from a fire set outside the entrance to the embassy today as thousands gathered outside the consulate in the Iraqi capital
Demonstrators, including some wearing military fatigues, hurl rocks over the compound walls on Tuesday after they set fire to the barricade
Demonstrators stormed inside the security boxes outside the compound after the personnel withdrew and set fire to the huts

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON