Dadweyne careysan ayaa bannaanbax xoog leh ka dhigay maanta wadadda isku xirta Muqdisho iy Afgooye.
Dadka bannanbaxa wada ayaa xiray Jidka Afgooye iyo Muqdisho gaar ahaan Carbiska ilaa degaanka Lafoole, waxayna hakad geliyeen isu socodka gaadiidka iyo dadka.
Sababta bannaanbax dadkan ayaa lagu sheegay inay careysan yihiin nin laga afduubtay degaanka Buundo-Carbis ee meydiisa la soo dhigay halkaasi.
Dadka ayaa ku eedeynaya ciidamada dowladda inay dilkan ka dambeeyeen, waxayna sheegeen in laba nin oo xalay maqribkii laga watay degaanka midkood la sii daayay, iyadoo midkii kale meydkiisa la helay.
Mas’uuliyiinta dowladda ayaan wax war ah kasoo saarin arrintan, waxaana markii dambe dib loo furay isu socodka Gaadiidka iyo Dadka.
Goobjooge