Thursday, June 26, 2025

Dadweyne iyo Ciidamo nolol & geeri ku baadigoobaya nin ku dhacay War ku taalla Muqdisho

Waxa maanta magaalada Muqdisho ka dhacday arrin cusub oo ah in haro ay biyo fariistaan oo ku taalla xaafadda Siigaale ee degmada Hodon uu ku dhacay nin dhalinyaro, kaasoo la waayay.

Ciidamada ammaanka magaalada Muqdisho oo qeylo dhaanta loo geyay ayaa  gurmad ku tagay goobtaasi oo loo yaqaan Warta-Siigaale, waxaana bilowday raadinta ninkaasi oo nolol iyo geeri ilaa hadda lagu la’ yahay.

Saraakiisha Booliska ayaasheegay in ninka Warta ku dhacay Duhurnimadii ilaa hadda la waayay jirkiisa, waxaana goobta la geeyay Wiishash iyo Qalab kale.

Dadweyne fara badan ayaa isugu soo baxay goobta ay ka socoto raadinta ninkaasi, waana meel ay isugu tagaan biyaha ka yimaada degmooyinka Waaberi iyo Hodon oo buux dhaaf noqotay.

Waraha biyuhu fariistaan ee lagu keydsado waxaa caan ku ah dadka reer miyiga ee Gobollada Dhexe. Waxaana xaaladan ay tahay mid ku cusub Magaalada Muqdisho.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON