Dadweyne fara badan oo ka kala yimid degmooyinka Goblka Banaadir ayaa maanta ku hungoobay inay lacag la’aan ku galaan Beerta Nabada ee magaalada Muqdisho.
Dadweynaha ayaa waxaa dhiiri geliyay amarkii Xalay kasoo baxay Guddoomiyaha G/Banaadir Taabit Cabdi Axmed ee ahaa in lacag la’aan laga dhigay gelitaanka Beerta Nabadda.
Maamulka Beerta nabadda ayaa diiday fulinta amarka uu keli ahaanta u qaatay guddoomiyaha G/Banadir iyagoo sheegay inay maxkamad la tiigsan doonaan, iyadoo heshiis rasmi ah ay la galeen Gobolka Banaadir, kaasoo keenay inay maalgashi ku sameeyeen una yeelaan muuqaalka ay maanta leedahay.
Waa amarkii labaad ee Guddoomiyaha G/Banaadir ku fududaado intii uu xilka qabtay isagoo hore ugu fulin waayay amarkii uu Gaadiidka AMISOM uga mamnuucay Wadadda Maka Almarakama ee magaalada Muqdisho.
Goobjooge