Sunday, June 22, 2025

Dagaal Baraha Bulshada & Warbaahinta ku dhex maray Madaxweynaha Turkiga iyo Ra’iisal wasaaraha Israa’iil

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip ErdoÄŸan iyo Ra’iisal wasaaraha Yuhuudda Benyamin Netanyahu ayaa mar kale is weydaarsaday haddallo kulul oo aan waxba la isula harin.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka jawaabay weerar dhinaca afka ah oo uga yimid Ra’iisal wasaaraha Israa’iil oo ku tilmaamay inuu yahay ‘Keligii taliye aad u neceb Yuhuudda”, wuxuuna ku eedeeyay Turkiga inuu qabsaday jasiirada Qubrus.

Madaxweyne Erdogan ayaa jawaab culus u diray Netanyahu isagoo ku tilmaamay ‘dhiigya-cab’, wuxuuna yiri: “Inuu Turkiga ku eedeeyo qabsashada Qubrus, waxaan u maleynayaa inuu khaldamay oo uu ula jeeday inay Yuhuuddu qabsatay Falasiin, ayna weli heystaan iyagoo ku laaya caruurta iyo dumarka..”

Ad

Madaxweynaha Turkiga ayaa intaas ku daray “Netanyahu wuxuu garaacayaa albaab khalad ah.., Erdogan waa codka u hadla dadka cadaadiska ku jira, adigana waxaad tahay codka kuwa dadka laaya.. Waxaad tahay dhiigya-acab. Turkiga wuxuu la dagaalamayaa argagixisada. Dhiigya-cabyada Israa’iil xaq uma laha inay cid kale wax ka sheegaan iyagoon isku noqon..”

Jawaabta kulul ee Madaxweynaha Turkiga ayaa timid, kadib markii Ra’iisal wasaaraha  Israa’iil uu barta twitter-ka soo dhigay farriimo uu ku weerarray madaxweynaha Turkiga. isagoo sheegay inay xoog ku heystaan Qubrus, ayna ciidamada Turkiga laayeen dadka Kurdiyiinta ah.

Labada hoggaamiye ayaanay ahayn markii ugu horeysay ee ay weerar iyo weerar celis isku dhaafsadaan baraha bulshada iyo warbaahinta, waxaana ka dhaxeeya cadaawad sanado oo jirtay.

Warar Xul ah

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON