Sunday, July 13, 2025

Dagaal barta Twitter-ka ku dhex maray Wasiirka Amniga Soomaaliya iyo Weriye Haaruun Macruuf [Warbixin]

Wasiirka Amniga Dowladda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed ayaa si weyn u dhaliilay weriye Haaruun Macruuf Xasan oo ka howlgala Idaacadda VOA laanteeda  Afka Soomaaliga.

Weerarka Wasiirka ka danbeeyay kadib markii uu Haaruun baahiyay warar ku saabsan qarixii maanta ka dhacay afka hore ee dekadda Muqdisho oo lagu laayay dad u badan rayid, waxaana weriyaha uu soo xigtay war ay Alshabaab kasoo saartay Qaraxa oo ay ku sheegtay inay askar ku leysay.

Wasiir C/risaaq ayaa mugdi geliyay xirfadda Weriye Haaruun Macruuf isagoo sheegay inay su’aal  dulsaaran tahay xirfadiisa weriyenimo, wuxuuna wasiirku weydiiyay Haaruun: “Dhinacee la jirtaa? waxay dileen shacab aan waxba galabsan, mana ahayn murtadiin ku sugnaa saldhig ciidan, waxaan su’aal gelinayaa xirfadaadda aad wax ku qiimeysay”

Weriye Haaruun Macruuf ayaa ku jawaabay iskuna difaacay inuu laba dhinac ee dowlada iyo Alshabaab wararkooda sheegay ayna tahay qaabka saxafigu u shaqeeyo. Arrintii way ka sii dartay, wuxuuna Haaruun sheegay inaysan jirin cid ka hor istaagi karta inuu tebiyo dhacdooyinka soona xigto dhinacyada oo dhan. Wuxuuna intaas ku daray in su’aal ku taagan tahay kuwa shaqadooda tahay inay shacabka difaacaan (Dowladda).

Dadweyne iyo shaqsiyaad fara badan oo ay ku jiraan weriyeyaal Ajnabi ah ayaa u hiiliyay Haaruun Macruuf, waxayna arrintii isu bedeshay in la wada weeraro Wasiirka Amniga Gudaha oo isna taas bedelkeed boggiisa twitterka ka masaxa qoraaladii ay is weydaarsadeen Weriye Haaruun.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON