Wararka laga helayo magaalada Marko ee xarunta Gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeya laba beelood uu mar kale ka qarxay magaalada.
Dagaalka ayaa ka socda xaafadda Buulo-jaan iyadoo labada maleeshiyo beeleed ay muddo dheer isku hayaan Gobolka Sh/hoose iyo magaalada Marko.
Dadka degaanka ayaa sheegaya in labada dhinac ay is-weydaarsanayaan hubka fudud iyo boobayaasha, waxaana rasaasta laga maqlayaa xaafadaha magaalada Marko, oo dad badan ay hore uga barakaceen.
Laba beelood ee dagaalku u dhaxeeya ayaa muddo 5 sano ah ka socday gobolka Shabeelada Hoose, iyadoo aan wax xal ah laga gaarin.
Ciidamada AMISOM ee degan duleedka magaalada ayaan wax lug ah ku yeelan, waxaana xaaladda magaalada muddo toddobaad ku dhow ka socda dagaal beeleed.
Goobjooge