Sunday, July 13, 2025

Dagaal Beeleed dad badan lagu dilay oo ka socda Gobolka Galgaduud

Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in  dagaallo beeleed ay ka qarxeen bariga Gobolkaasi.

Inta la xaqiijiyay lix qof ayaa ku dhintay, sideed kalena waa lagu dhaawacay dagaalka oo la sheegay inuu ka dhacay degaanka Labi-caano ee Bariga gobolka Galgaduud oo u dhaxeeya Dhuusamareen iyo Ceelbuur.

Dagaalkan ayaa salka ku haya daaqsin iyo aano hore oo labada beeleed u dhaxeeyay, kuwaasoo aan xal laga gaarin.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in xiisadda colaadeed ay weli taagan tahay, iyadoo labada beeleed aanay jirin cid dhex gashay.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON