Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inuu dagaal beeleed ka qarxay degaanka Kaxandhaale ee saaran xadduuda Soomaaliya iyo Itoobiya.
Dagaalkan oo dhex maraya laba maleeshiyo beeleed oo degaanka ah ayaa salka ku haya arrimo aano ah oo muddo socday, waxaana la soo werinayaa inuu geystay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh.
Wararka ayaa sheegay in dagaalka soo cusboonaaday uu saameyn ku yeeshay degaankaasi iyadoo xaaladda ay kacsan tahay, waxaana laga cabsi qabaa in qasaaraha uu sii kordho, iyadoo maamulka Galmudug aanu weli ka hadlin dagaallada beeleed ee dib ugu soo laabtay Gobolka Galgaduud.