Wararka laga helayo Gobolka Galgaduud ayaa sheegay inay mar kale maanta uu dagaal dib uga qarxay degaanka Kaxandhaalle ee Gobolka Galgaduud oo ay ku dagaalmayaan laba beelood oo halkaasi wada dega.
Dagaalka aya maanta dib uga bilowday degaanka, waxaana la sheegay in labada maleeshiyo beeleed ay dagaalameen, waxayna dhinac ka mida kuwa dagaalamaya sheegteen inay dagaalka ku qabteen askar ku lebisan dareyska ciidamada Itoobiya. Xaalada ayaa waxaa uga sii daray markii labada dhinac ay gurmadyo kala heleen.
Labada beelood ee halkaas wada daga ayaa isku heysta Dhul u dhaxeeya oo qolo waliba sheeganeyso, waxaana labadii maalin ee ugu dambeeyay la sheegay inay xaaladu deganeyd markii toddobaaadkan horraantiisa ay halkaasi ka dhaceen dagaallo ay ku dhinteen in ka badan 20 qof, laguna dhaawacay 40 kale.
Tan iyo markii dagaallada ay dib ugu bilaawdeen deegaanka ku yaalla xadka Itoobiya iyo Soomaaliya, ma jirto cid isku howshay joojinta dagaall beeleedyada.