Wararka laga helayo magaalada Beled-xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in dagaal beeleed ay abuureen maamulka Jubba uu ka socdo magaaladaasi.
Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo uu wato wasiirka Amniga maamulka Jubba C/rashiid Janan oo dhowaanahan ku sugnaa Beledxaawo iyo maleeshiyaad taageersan guddoomiye hore xilka looga qaaday.
Xiisad colaadeed ayaa magaalada ka taagneyd tan iyo intii ay maamulka Jubba soo farageliyeen maamulka degmada, taasoo keentay in beelaha halkaasi wada degan ay isku hub urursadaan kadibna dagaal aan loo baahneyn halkaasi ka qarxo.
Qasaaraha dagaalka ayaan weli cadden iyadoo rasaas xoog leh iyo hoobiyeyaal la is weydaarsaday, waxaana wararkii ugu horeeyay sheegayaan in dhimashada ay gaareyso 3 ruux iyo dhaawa ka badan 15 kale.
Waanwaan lagu doonayo in dagaalka lagu qaboojiyo ayaa ka socota magaalada iyadoo dadweynaha ay bilaabeen inay ka qaxaan magaalada.
Goobjooge.com