Sunday, July 6, 2025

Dagaal beelleed ka dhacay degmada Wanlaweyn iyo barakac ka socda Magaaladaasi

Wararka laga helayo Gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in dagaal beeleed ka qarxay degmada Wanlaweyn uu sababay xiisad ka taagan magaaladaasi iyo barakac.

Xaaladda degmada Wanlaweyn ayaa lasoo weriyey inay saaka degan tahay, kadib markii ay shalay ku dagaalameen laba beelood  oo degaanka ah oo iska hor imaadyo hore ugu dhex mareen tuullooyin ku dhow xarunta degmada Wanlaweyn.

Dadka degaanka ayaa ka barakacaya Wanlaweyn, waxaana dagaalkii shalay ku dhintay afar qof oo labada dhinac ah, iyadoo uu xirmay  Suuqa degmada Walaweyn, ayna istaagaan howlihii ganacsi.

Ciidamo ka tirsan milateriga oo ka tegay saldhigga Balligoogle ayaa shalay gaaray degmada Wanlaweyn, waxayna markii danbe dib uga laabteen halkaasi, iyadoo weli ay colaaddu ka taagan tahay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON