Maleeshiyada kooxda Alshabaab ayaa dagaal kala hor timid ciidamada dowaladda Federaalka iyo kuwa AMISOM ee ku sinqaya tuulooyinka ku harsan Alshabaab ee Gobolka Sh/dhexe.
Dagaal culus ayaa ka soconaya Degaanka Mirtuugo ee degmada Mahadaay, Gobolka Sh/dhexe kadib markii ay weerar qaadeen ciidamo ka tirsan Milatariga Soomaaliya, waxaana la sheegay in si ka duwan xaaladii hore ay Alshabaab dagaal u diyaar garoobeen, halkii tuulooyinkii hore ay isaga baxeen.
Dagaalka ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay ka dib markii Ciidamada Dowladda ay Weerar ku qaadeen Fariisimo Al-shabaab ay ku leeyihiin degaanka Mirtuugo, welina lama oga khasaaraha dhimasho iyo kuwa dhaawac ee ka dhashay dagaalkaasi.
Goobjooge.com