Thursday, June 26, 2025

FAAFHAAHIN: Dagaal culus oo duleedka magaalada Marka ku dhex maraya Alshabaab iyo AMISOM

Dagaal culus ayaa la sheegay inuu xilligan ku dhex marayo duleedka magaalada Marka ciidamada AMISOM h iyo kuwa dowladda Soomaaliya, iyadoo dagaalkan uu ahaa mid xoog leh oo hub waaweyn la isku weydaarsaday.

Dagaalkan ayaa ka socda degaanka Buufow oo Magaalada Marka dhinaca Jannaale uga beegan magaalada Marka, waxaana halkaasi isku fara saaray ciidamo AMISOM oo dib ugu soo laabtay Marka iyo maleeshiyo Alshabab ka tirsan oo halkaasi ku sugnaa.

Qasaaraha dagaalka ayaan la ogeyn, waxayna wararka hadda laga helayo dadka degaanka sheegayaan in AMISOM adeegsatay hubka waaweyn iyo madaafiic. Maleeshiyaadka alshabaab ayaa dib ugu gurtay duleedka magaalada Marka ee Jilib Marka oo  aad ugu dhow magaalada.

Ciidamo gurmad ah ayaa dowladda la sheegay in dowladda Fedearalka ka dirtay Muqdisho iyo Afgooye si ay u xoojiyaan ciidamada AMISOM ee dagaalka kooban kula wareegay magaalada Marka maanta.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON