Dagaal cusub ayaa la soo weriyay inuu Gobolka Bari ku dhex maray ciidamada Puntland iyo koox maleeshiyo ah oo ka tirsan Alshabaabkii dhowaan ka degay xeebaha Puntland, xilli ay Puntland ku dhawaaqday inuu dhammaaday howlgalkii sifeynta Alshabaab.
Dagaalkan ayaa ka dhacay degaano hoos taga degnada Bandar Beyla ee Gobolka Bari, waxayna wararku sheegayaan in maleeshiyada Alshabaab ay dagaal la galeen ciidamada Puntland oo ku raad joogay koox ka mid ahayd maleeshiyadii ka dagaalantay Togga Suuj iyo Garmaal ee Gobolka Nugaal.
Dagaalka labada dhinac ayaa keenay in lagu dhaawaco laba askari oo ka tirsan ciidamada Puntland, waxaana dhinaca kale lagu qabtay 18 maxbuus oo ka mida maleeshiyada Alshabaab. Sida uu sheegay Taliyaha qeybta Booliska Gobolka Bari Ahmed Muuse Yuusuf (Jaqanaf) waxaa weli socda raadinta maleeshiyada Alshabaab ee Degmada Bandar Beyla.
Saraakiisha Puntland ayaa ka digaya in Shabaab firxad ah ay ku jiraan Gobollada Bari, Nugaal iyo Mudug, waxayna dadka degaankaasi ka codsadeen inay soo sheegaan haddii ay arkaan maleeshiyo hubeysan.
Goobjooge.com