Sunday, July 13, 2025

Dagaal Jalalaqsi ku dhex maray Ciidamada AMISOM & Askarta maamulka Degmada

Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in iska hor imaad dhex maray ciidamada AMISOM iyo ciidamada ilaalada guddoomiye ku xigeenka degmadaasi.

Iska hor imaadka ayaa dhaliyay qasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana ku dhintay laba qof oo shacab ah, halka lagu daawacay 3 kale oo askari AMISOM ay uu ku jiro, kaasoo kasoo jeeda dalka Jabuuti.

Ciidamada Jabuuti ee ku sugan Jalalasi iyo ilaalada guddoomiye ku xigeenka Jalalaqsi  Maxamed Cabdi Abiikar ayaa la sheegay in muran dhinaca maamulka ah soo dhex galay, kaasoo keenay isku dhac is rasaaseyn ah oo dhex maray.

Askariga ciidamada Jabuuti ee dhaawaca soo gaaray ayaa caawa loo qaaday Magaalada Beledweyne ee xarunta ciidamada Jabuuti, waxaana magaalada Jalalaqsi ka socda waanwaan lagu xalinayo arrintan.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON