Friday, June 27, 2025

Dagaal ka dhacay Xuduudka Soomaaliya iyo Kenya (Diyaaradaha dagaalka Kenya oo lagu arkay…)

Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa taageersan maamulka Jubbaland ayaa xalay saqdii dhexe iska hor imaad ku dhex maray duleedka magaalada Beledxaawo ee Gobolka Gedo.

Dagaalka xalay dhex maray labada ciidan ayaa la sheegay inuu yimid markii ay rasaas is-weydaarsadeen labada ciidan, iyadoo ciidamada wasiirka Amniga Jubbaland ee C/rashiid Janan ay taageero ka helayaan ciidamada Kenya ee KDF.

Wararka saaka laga helayo magaalada Beledxaawo ayaa sheegaya in diyaaradaha helikobtarka ee qumaatiga u kaca oo ay leeyihiin Ciidamada Kenya lagu arkay hawada xuduudka u dhaxeeya magaaloyinka Beled-Xaawo iyo Mandhera.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana dhaqdhaqaaq ciidan laga dareemayaa magaalada Beledxawo , kadib iska hor imaadkii xalay halkaasi ka dhacay.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON