Monday, November 30, 2020
More

    Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo beeniyay warar been abuur ah laga faafiyay Bangiyada dalka (Akhriso)

    Kaddib markii maalmihii la soo dhaafay ay soo if baxeen warar been abuur ah oo lagu faafiyey baraha bulshada qaar, kuwaas oo la xiriira in qaar ka mid ah bangiyada dalka lagu soo rogi doono cunaqabateyn dhaqaale, ayaa arrintaas waxaa faah faahin dhammaystiran ka bixiyay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, kaas oo soo saaray Warsaxaafadeed uu arrintaas kaga hadlay. 

    Bangiga Dhexe ee Soomaaliya oo ah hay’adda u xilsaaran Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya rukhsad bixinta iyo kormeeridda baananka gaarka loo leeyahay ee dalka Soomaaliya ayaa sheegay in aanay jirin wax cunaqabatay amba culays ah oo haysta  baananka ganacsi ee gaarka loo leeyahay ka jira dalka.

    Ad

    Waa tan Wargelintii ka soo baxay Bangiga dhexe ee Soomaaliya oo u qorneed sida tan:-

    Bankiga Dhexe ee Soomaaliya isaga oo ka duulaya warar been-abuur ah oo maalmihii u dambeeyay lagu baahiyay Baraha Bushada ee Soomaalida (Social Media), kuwaas oo looga beensheegayo Bankiyada dalka qaarkood, haddaba Bankiga Dhexe wuxuu guud ahaan dadweynaha iyo gaar ahaan macaamiisha bankiyada Soomaaliyeed u caddeynayaa:

    1. In Bangiga Dhexe yahay hay’adda u xilsaaran shati-siinta iyo korjoogteynta bankiyada dalka ka shaqeeya oo dhan.

    2. In aysan jirin wax dacwad ama eedayn ah oo laga soo gudbiyay bangi ka mid ah Bankiyada dalka.

    3. Bankiga Dhexe ee Soomaaliya wuxuu ku boorrinayaa warbaahinta dalka iyo kuwa dibeddaba (gaar ahaan Baraha Bulshada), in ay ka fogaadaan faafinta xog aan xaqiiqaada ku salaysnayn. Wararka ku saabsan bankiyada iyo shirkadaha maaliyadda ee dalka waxaa laga soo xigan karaa ilaha rasmiga ah, sida Bankiga Dhexe ee Somalia.

    Somalia ayaa sanadihii lasoo dhaafay ku tallaabsatay Horumar dhaqaale iyo mid ganacsi, kaas oo ay Hormuud ka yihiin Bangiyada iyo Shirkadaha waaweyn ee dalka, kuwaas oo shaqo abuur  iyo maalgalin ganacsi u sameeyey qeybo badan oo ka mid bulshada Soomaaliyeed, sida ganacsiga yaryar, kan dhexe iyo maalgalin heer shakhsi ah intaba.

    Warar Xul ah

    NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

    151,603FansLike
    2,189FollowersFollow
    5,703FollowersFollow
    151,603FansLike
    2,189FollowersFollow
    5,703FollowersFollow

    TOP NEWS

    Abiy Ahmed oo bixiyey Sir ku saabsan sidii ay Tigreega afduubka ugu heysteen Itoobiya iyo halistii ay geliyeen isaga

    Ra'iisal wasaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa bixiyey xog badan iyo sir ku saabsan sida madaxdii Tigreega ay afduubka ugu heysteen maamulka dowladda Itoobiya, ayna...

    XOG: Qoorqoor go’aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021 iyo Musharixiinta Mucaaradka oo kulankii..

    Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa go'aan culus ka qaatay Doorashada 2020/2021, kadib arkii uu iska dhega tiray cadaadis ay saareen Siyaasiyiinta,...

    Wakiilada Beesha Caalamka oo Garowe u tegay xalinta Muranka ka taagan Doorashooyinka Federaalka

    Wafdi ka socda Wakiilada Beesha Caalamka ayaa maanta tegay magaalada Garowe, iyagoo la sheegay inay xal u raadinayaa muranka hareeyay Doorashda Soomaaliya. Wafdiga tegay Garowe...

    Midowga Musharixiinta oo Muqdisho Shir degdeg yeelanaya iyo Xaalado soo kordhay oo looga hadlayo..

    Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Musharaxiinta xilka Madaxweynaha uu goor dhow shir degdeg uga furmi doono caasimadda. Shirkan oo qabanqaabadiisa ay...

    Macalinkii Alshabaab-ka noqday ee Ilka-case iyo xubno kale oo Toogasho ah lagu fuliyey (Akhriso dadkii uu dilay)

    Waxaa saaka Dil toogasho ah ku fuliyay Maxamed Xaaji Axmed oo (Macalin Ilkacase) iyo laba Xubnood oo kale oo ka tirsanaa Al-Shabaab oo...

    Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya oo shaaciyey inay qabsadeen Caasimadda Tigray, lana raadinayo Madaxtii TPLF

    Ciidamada Itoobiya ayaa sheegay inay qabsadeen caasimadda Gobolka Tigray ee Makelle, kadib dagaal culus oo ka dhacay. Taliyaha ciidamada Itoobiya General Berhanu Jula ayaa shaaciyay...

    Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda oo xilka la wareegay. “Waxaan codsanayaa in xoogaa la ii daayo meesha..”

    Wasiirka cusub ee arrimaha dibadda Soomaaliya Maxamed C/risaaq Maxamuud ayaa maanta xilka kala wareegay wasiirkii hore Axmed Ciise Cawad. Xaflad ka dhacday xarunta Wasaaradda Arrimaha...

    WARARKA UGU SHIDAN

    error: Content is protected !!