Wararka laga helayo Gobolka Sool ayaa sheegaya inuu Dagaal culus saaka ka dhex qarxay ciidamada Somaliland iyo kuwa Khaatumo ee isku hor fadhiyay degaanka Buqdharkeyn.
Dagaalkan ayaa qarxay kadib dhaqdhaqaaqyo milatari oo halkaasi ka socday maalmihii ugu danbeeyay. Ma cadda cidda dagaalka qaaday laakiin labada dhinac isku eedeeyay hurinta dagaalka, waxayna kala sheeganayaan guulo.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya inay dagaalka ku dhinteen labada dhinac ilaa 6 qof, sidoo kala ciidamada SSC-Khaatumo ayaa la sheegay inay galeen qeybo ka mida deegaanka Buqdharkeyn oo ay ku sugnaayeen ciidamada Somaliland, waxayna sheegteen inay qabsadeen gaadiidi yo maxaabiis ka tirsan ciidamada Somaliland.
Dagaalka cusub ayaay imid iyadoo degaanada ay isku hor fadhiyeen labada dhinac ay tegeen isimmada kasoo jeeda degaanada SSC-Khaatumo oo waday dagaal nabadeed.
Xaaladda ayaa weli kacsan, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalku sii xoogeysto, iyadoo muddooyinkii danbe ay labada dhinac ku jireen diyaar garow dagaal.