Wararka laga helayo degmada Wanlaweyn ee Gobolka Sh/hoose ayaa sheegaya inuu dagaal ka socdo degmada, kaasoo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed iska horjeeda.
Dagaalkan oo saaka qarxay ayaa sheegaya inay maleeshiyada beeleed oo isku qabiil kasoo jeeda ay isku qabsadeen goob isbaaro ah oo lacag looga qaado gaadiidka, waxaana magaalada saameeyay hub culus oo ay labada dhinac is weydaarsanayaan, markii maleeshiyo ay weerare ku qaadeen isbaaro maleeshiyo kale u taalla Galbeedka degmada.
Maleeshiyada dagaalameysa ayaa hore isu hubeeyay iyagoo sheegay inay la dagaalamayaan Alshabaab, waxaana hore u dhexmaray dagaallo ku saleysnaa jufo oo ay ku baxeen xubno ka tirsan xildhibaannada Baarlamaanka Federaalka.
Dagaalka degmada Wanlaweyn ayaa weli socda iyadoo dadka degaanka ay sheegeen inuu jiro qasaare soo kala gaaray dhinacyada dagaalamaya, mana jirto weli cid ku baxday, waxaana halkaasi ka dhow ciidamada dowladda federaalka.