Wararka laga helayo Gobolka Bakool ayaa sheegaya in kooxda Alshabaab ay kordhisay hanjabaadda ay ku heyso Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) oo ka mid ahaa madaxdii ururkaasi.
Xiisadii colaadeed ee labada dhinac ayaa la sheegay inay dib u soo cusboonaatay markii madaxda Alshabaab ay hanjabaad u direen Sheekh Roobow iyadoo horeba ay Alshabaab ciidamo ugu dirtay degaanka Abal ee duleedka magaalada Xudur oo fariisin u ah Sheekh Roobow.
Tan iyo markii Dowladda Mareykanka liiska argagixisada ka saaray Mukhtaar Roobow, ayna soo baxeen warar ku saabsan inuu wadahadal kula jiro dowladda federaalka ayay Alshabaab bilowday hanjabaad iyo ciidamo ay u dirto degaanada gobolka Bakool ee fadhiga u ah Sheekh Roobow, waxaana laga cabsi qabaa in ugu danbeyn labada dhinac is fara saaraan.
Madaxweynaha K/Galbeed Shariif Xasan ayaa dhowaan sheegay in Sheekh Roobow isaga filan yahay Alshabaab oo aanay waxba ka qaadi karin, taasoo shaki badan laga muujiyay.
Goobjooge