Monday, June 23, 2025

Dagaal laga cabsi qabo inuu ka Qarxo Bariga Dhexe & Iiraan oo magacawday Taliyihii bedeli lahaa Jeneral Qasim Suleymani

Wararkii ugu danbeeyay kadib duqeyntii uu Mareykanka ku dilay hoggaamiyihii Guutalada Qudus ee ciidamada ilaalada Iiraan Jeneraal Qaasim Suleymani ayaa sheegaya in laga cabsi qabo dagaal ka qarxa Bariga dhexe.

Iiraan ayaa si degdeg ah u magacawday taliyihii bedeli lahaa Jen. Qaasim Suleymaani, iyadoo xilkaasi uu la wareegayo ku xigeenkiisii Ismacil Ghani, iyadoo kulamo is daba joog ah ay leeyihiin Golaha Amniga Qaran ee dalka Iiraan, iyadoo uu guddoominayo Hoggaamiyaha Diiniga ah ee dalkaasi Aayatullaahi Khumeyni.

Bannaanbaxyo waaweyn ayaa ka bilowday magaalooyinka Iiraan oo dhan, waxaana kumanaan dadweyne ah ay isugu soo baxeen magaalada uu ku dhashay Jen. Qaasim Suleymani ee Karman, waxaana sii kordhaya cabsida laga qabo in arrintan ay keento jawaabka timaada dalka Iiraan oo dhalisa dagaal ka qarxa Bariga Dhexe.

Madaxweyne Trump ayaa bixiyey amarka lagu diley Jeneraal Qaasim Suleymani oo saaka aroortii hore diyaaraha Mareykanka ay gantaallo ku weerareen Gawaari uu la socday Jeneraalka oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Baqdaad.

Golaha Amniga Qaran ee dalka Iiraan ayaa go’aan kasoo saari doona dilka Mareykanku kula kacay Jeneral Qasim Suleymani, taasoo la filayo inay saameyn ku yeelo dhammaan dalalka Bariga Dhexe oo dhan oo Iiraan ay ku leedahay kooxo taabacsan.

Mareykanka ayaa dhinaca kale amray inay dalka Ciraaq ka baxaan dadka Mareykanka ah, iyadoo dhammaan dalalka Gobolka Bariga Dhexe loo diray digniin ku saabsan inay dadka Mareykanka ah digtooni galaan.

Jawaabo kala duwan ayaa kasoo baxay dalalka dunida iyadoo qaarkood ay cambaareeyeen weerarka Mareykanka, halka qaar kale ku baaqeen in xaaladda la qaboojiyo.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON