War hadda soo dhacay ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose ku dhex maray Alshabaab iyo ciidamada Kenya ee AMISOM oo ay wehliyaan kuwa maamulka Jubba.
Wararka ayaa intaas ku daraya in dagaalka ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka, waxaana qasaare weyn ka dhashay labada dhinac.
Ciidamada Kenya ee KDF ayaa sheegtay in 57 ka tirsa maleeshiyada ay Alshabaab ay dagaalka ku dileen, ayna qasaare lixaad leh gaarsiiyeen dagaalyahannadii kooxda Alshabaab.
Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in dagaalka oo ahaa mid culus ay qeyb ka ahaayeen ciidamo Mareykan ah oo watay diyaaradaha dagaalka.
Alshabab ayaa weli wax war ah ka soo saarin dagaalka maanta ka dhacay duleedka magalada Afmadow ee u dhow xuduudka Kenya iyo Soomaaliya.
Goobjooge.com