Wararka laga helayo gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo dagaal dhowr jeer la isku laabtay oo dhex maray ciidamada Itoobiyaanka iyo kooxda Alshabaab.
Laba jeer oo maanta ay labada dhinac isku fara saareen degaanada Garasaani iyo Halgan ayaa haddana la soo weriyay in galabta ay mar kale ku dagaalamayaan isla degaankaasi.
Dagaalka ugu dambeeyay ayaa yimid kadib markii ciidamada Itoobiyaanka ay galabta weeraraan goob ay Alshabaab biyaha ka dhaansadaan oo ku dhow Halgan, iyadoo ciidamada Itoobiyaanka isku dayeen inay burburiyaan goobtaasi.
Waxaa lasoo weriyay inuu socdo dagaalkii ugu weynaa ee labada dhinac dhex mara dhowaanahan, mana cadda qasaaraha dagaalka iyo iska hor imaadyada labada dhinac oo maanta oo dhan socday.
Goobjooge.com