Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaal qaraar uu halkaasi ku dhex marayo ciidamada AMISOM iyo kooxda Alshabaab.
Dagaalka ayaa bilowday Magaalada Qoryooley kadib markii ciidamada AMISOM ay dagaal ku qaadeen Qoryooley oo galabta ay galeen maleeshiyo ka tirsan Al-shabaab.
Waxaa soo baxaya wararka ku saabsan rasaas xoog leh oo ay labada dhinac is weydaarsadeen iyo madaafiic ku dhacday qeybo ka mida magaalada oo dhalisay in dadkii ku haray ay ka qaxaan magaalada.
AMISOM iyo ciidamada degaanka ayaa la sheegay inay hadda ku sugan yihiin magaalada kadib markii ay ka baxeen Maleeshiyada Alshabaab galabta maqribkii gudaha u gashay magaalada.
Dagaalka oo weli socda ayaan la helin qasaaraha ka dhashay waxaana dadka degaanka ay sheegayaan in Alshabaab ay galabta la wareegeen Qoryooley , basle ay isaga baxeen markii ciidamada AMISOM iyo kuwa degaanka oo la socda ay dib u caabiyeen.
Goobjooge.com