Wednesday, June 25, 2025

Dagaalka Hawada ee Hillary Clinton & Donald oo bilowday [Iidhehyada la iibsaday]

Dagaalka hawada ee dhinaca Iidhehyada musharixiinta xilka madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa bilowday kadib markii musharaxa xisbiga Jamhruuriga uu iibsaday Iidhehdii ugu horeysay ee ololihiisa oo qiimaheedu gaarayo 4 Milyan oo doolar.

Iidhehda Donald Trump ayaa loo baahin doonaa afar gobol oo ka mida Mareykanka sida uu shaaciyay telefishanka NBC NEWS, kuwaasoo kala ah Florida, Ohio, North Carolina iyo Pennsylvania , iyadoo socon doonta 19-29 Ogost.

Iidhehda ayaa bilaabaneysa 81 maalmood ka hor xilliga dadka Mareykanka ay u dareerayaan doorashada ay ku loolamayaan Donald Trump iyo Hillary Clinton.

Tallaabada Trump ayaa imaaneysa iyadoo Hillary Clinton ay shalay sii deysay Iidheh cusub oo ka mida ololaheed doorashada, taasoo lagu weeraray in Donald Trump aanu shaacin canshuurta uu bixiyay oo lagu eedeynayo inay ka muuqdaan taageerada Ruushka.

Ra’yiga dadka waxaa ku horeysa Hillary Clinton, waxaana soo wajahay Trump qas badan oo galay kooxdiisa ololaha doorashada oo markii labaad muddo laba bilood gudahood ah uu isku shaandheyn ku sameeyay, waxaana muuqda in dagaalka warbaahinta ee labada musharax uu iminka bilowday.

Goobjooge.com

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON