Dagaalkii ugu horeeyay ayaa maanta ka dhex qarxay ciidamada la baxay Puntland dhabta ah ee uu hogaamiyo Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/Samad Maxamed Gallan, waxaana dagaalku yimid kadib markii ciidamada Puntladn ay weerar ku qaadeen degaanka degmada Carmo ee Gobalka Bari oo ay ku sugnaayeen ciidamada Gallan.
Dgaalka labada dhinac dhex maray ayaa la sheegay inuu dhaliyay dhimasho iyo dhawac, waxaanala xaqiijiyay in ciidamada Puntland ay dib uga soo laabteen degaanka Carmo iska caabin kasoo wajahday ciidamada Gallan darteed.
Waa dagaalkii ugu horeeyay ee si toos ah u dhex mara labada dhinac, iyadoo waanwaan ay wadeen Isimada degaankaasi ay u muuqato inay jebiyeen ciidamada Puntland.
Goobjooge.com