Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya baxaya dagaalo shalay ka dhacay deegaano hoos taga degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, dagaalkaas oo dhex maray maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab iyo dadka deegaankasi oo markii ugu horeysay is fara saaray.
Dagaalkii Tuulada Ari-cadde ayaa sheegaya in 25 ka tirsan maleeshiyaadka Al-Shabaab lagu dilay deegaankaas, wuxuuna dagaalkaasi ka dhashay markii Alshabaab isku dayeen inay dadka ka qaadaan Zeko oo dadka degaanka aad uga hor yimaadeen, waxaana dagaalka sidoo kale ku dhintay sarkaal ka tirsan Galmudug.
Sidoo kale deegaanka Ceel-huur ee hoostaga degmada Xarardheere, oo isna laga soo sheegayaa dagaal dadka degaanka iyo Al-Shabaab dhex maray oo lagu dilay 8 ka tirsan Al-Shabaab,wana qasarihii ugu badnaa ee Alshabaab ka soo gaara degaanadaan oo muddo dheer ay ku sugneyd.
Dowlad goboleedka Galmudug oo laga sugayay inay dagaalka hogaamiso ayaa hadda uun xaalada ku soo baraarugtay, iyadoo sheegtay inay ciidamo u direyso degaanada ay dagaaladu ka dhaceen ee hoos taga degmada Xarardheere.
Goobjooge.com