Sunday, July 13, 2025

Dal Muslim ah oo ku dhawaaqay inay Berri tahay Ciid & Sida Caawa loo arki karo Bisha

Ciidul Fitriga ayaa loo dhawaaqay dalal Muslim ah oo maalinta berito ay ciid u tahay, iyadoo muddo 29 maalmood ah Soonkani uu qaatay.

Dalka Indonesia ayaa ku dhawaaqay inay ciid u tahay berito, waxaana dalkaasi ka bilowday dabaaldegga munaasabadda ciidul Fitriga. Indonesia ayaa afar saacadood ka horeysa waqtiga Soomaaliya, taasoo micnaheedu yahay inay iminka ku dhow yihiin 8:00 Fiidnimo.

Shir jaraa’id oo uu qabtay wasiirka arrimaha diinta Indonesia Luqman Xakim Saifuddin wuxuu ku shaaciyay in lix qof loo dhaariyay aragtida bisha Shawaal,. isla markaana Indonesia laga ciidi doono berri oo Axad ah.

Dhinaca kale dalal badan oo kuwa Islaamka ah ayaa lagu wadaa inay caawa ku dhawaaqaan inay dhalatay bishii Shawaal (Soonfur) iyadoo maalinta Axadda ee beri ay noqoneyso maalinta koowaad ee Ciidul fitriga.

Culimada xiddigiska ku xeeldheer ayaa sheegay in caawa si fiican loo arki karo Bisha haddii ay dhalato iyadoo bisha ay muddo 20 daqiiqo ah jiri doonto haddii samadu aanay caad lahayn, inkastoo qaarkood ay qabaan inaan la kari karin bil jiritaankeeda 28 daqiiqo ka yar yahay.

Guud ahaan waxaa lagu wadaa in Berri loo dabaalgelyo ciidul firtiga iyo gabagabada bishii Ramadaan..

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON