Laba dal oo ka mida Midwoga Yurub ayaa la sheegay inay aqoonsadeen baasaboorka dalka Soomaaliya, siiba qeybaha Diblomaasiga iyo kan shaqada ee shaqaalaha iyo madaxda dowaldda ay qaataan.
Safaaradda Belgium ee Magaalada Nairobi ayaa qoraal ay soo saartay ku caddeysay inay aqoonsatay labada qeybood ee Baasaboorka Soomaaliga ee Diblomaasiga iyo Shaqada, iyadoo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ay shaacisay in dalalka Belgium iyo Luxembourg ay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaalida.
Waxaa arrintan muddo ka shaqeynayey Wasaaradda Arrimaha dibedda iyo Hay’adda Socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya oo hoos tagta Wasaaradda Amniga Gudaha Soomaaliya.
Dalal badan ayaa hore u sheegay inay aqoonsadeen Baasaboorka Soomaaliya, laakiin weli waxay fiisahooda ku bixiyaan waraaqo gaar ah, waxayna noqoneysa tallaabo hore loo qaaday.