Tuesday, June 24, 2025

Dalalka Turkiga iyo Qatar oo Daalibaan kula heshiiyay inay u maamulaan Garoonka magaalada Kaabul

Dhaqdhaqaaqa Daalibaan ee qabsaday dalka Afghanitan ayaa sheegay inuu Turkigu oggolaaday codsigoodii ku saabsanaa inuu maamul howlgelinta Garoonka Diyaaradaha Hamid Karzai ee magaalada Kaabul.

Daalibaan ayaa dhinaca kale sheegtay inay taageero ka codsatay doonto dowlada Qatar si loo xoojiyo adeegga Garoonka magaalada Kaabul, waxayna arrintan ka dhigan tahay in dalalka Turkiga iyo Qatar ay iska kaashayaan maamulka Garoonkaasi, ayna la heshiiyeen Daalibaan, kadib markii ciidamsda Mareykanka ka baxaan xilligii lagu heshiiyay ee aakhirka bishan 31 Ogost 2021.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Turkiga ayaa wakaaladda wararka ee Reuters in dalkooda uusan gacan ka geysan doonin socodsiinta gegida diyaaradaha kadib bixitaanka ciidamada NATO haddii aysan Taliban ogolaan joogitaanka amniga Turkiga, arrintaas oo ah tan ugu weyn ee ay isku hayaan labada dhinac.

Daalibaan ayaa diiday inay ciidamada Turkiga oo hore uga mid ahaa ciidamadii NATO ay sii joogaan Afghanistan, taasoo keentay inuu Turkiga dalkaasi ka qaato 500 askari oo ka joogay iyo shaqaale kale.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku dhawaaqay shalay in dalkiisa uu wadahadalkii ugu horreeyay la yeeshay Daalibaan, kaasoo labada dhinac ay isku arkeen Garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Kaabul, isagoo sheegay inay weli qiimeynayaan soo jeedinta Daalibaan si loo maareeyo gegida dayuuradaha ee caasimadda Afghanistan.

Daalibaan ayaa doonaysa inay iyadu mas’uul ka ahaato, lana wareegto amniga garoonka, laakiin ay Turkiga ka doonayaan inuu maamulo howl maalmeedka Garoonka iyo hagida diyaaradaha. “Waxay yiraahdeen: Waxaan dammaanad qaadi doonnaa amniga adiguna waad shaqeysaa (garoonka diyaaradaha), weli wax go’aan ah kama aanan qaadan arrintan” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Turkiga ayaa markii hore dalbaday inuu gacan ka geysto sugidda iyo maamulidda gegida dayuuradaha ee caasimadda Afgaanistaan, laakiin Arbacadii wuxuu bilaabay inuu ciidamadiisa kala baxo dalkaas.

Turkiga ayaa u muuqda inuu ogolaaday maamulka Garoonka Kaabul oo shaqaale iyo farsama-yaqaano rayid ah uu halkaasi u diiri doono, sida Daalibaan laga soo xigtay, halka Qatar la filayo inay taageero ka geysato dib u habeynta Garoonka.

NAGULA SAAXIIB BARAHA BULSHADA: Like Saar

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,990FollowersFollow

NAGU SOO BIIR

161,065FansLike
2,523FollowersFollow
5,988FollowersFollow

TOP NEWS

XOGAHA QARSOON